Qiso Cajiiba
Robert Crane wuxuu qaatay labo PHD oo sharciga la xiriira, wuxuu madax ka noqday Ururka Harvard ee Sharciga Caalamiga ah, wuxuuna noqday lataliyaha Nixon ee arrimaha dibadda iyo ku-xigeenka Agaasimaha Golaha Ammaanka Qaranka ee Maraykanka, Waxa loo arkaa inuu ka mid yahay khubarada siyaasadeed ee ugu waaweyn dalka, wuxuuna aasaasay Xarunta Dhaqanka iyo Cusboonaysiinta ee Maraykanka. Wuxuu sidoo kale ku hadli karaa lix luuqadood.
Maalin maalmaha ka mida, Nixon ayaa ubaahday inuu ogaado wax ku saabsan {Asalka fikirka Islaamiyiinta}.
Wuxuu amray hay’adda sirdoonka Maraykanka inay u diyaariyaan warbixin mawduuca ku saabsan.
Waxay diyaariyeen warbixin—laakiin aad ayay u dheerayd…
Kadib wuxuu ka codsaday lataliyihiisa Robert Crane inuu akhriyo warbixinta oo uu soo koobo.
Wuu akhriyey, kadibna wuxuu bilaabay inuu ka qayb galo muxaadarooyin iyo doodo ku saabsan Islaamka si uu si ka qoto dheer wax uga ogaadu islaamka.
Muddo yar kadib, waxaa si weyn ugu faafay dunida iyo gudaha maraykankaba warka ah in Robert Crane uu muslimey.
Mar uu ka sheekeynayey sababta uu u muslimey ayuu yiri:
“Aniga oo ah qof bartay sharciga… waxaan ka helay Islaamka dhammaan qawaaniintii aan bartay.
Intii aan joogay Harvard saddex sano, hal mar kuma aanan arag erayga caddaalad oo lagu qoray qawaaniintooda.
Laakiin eraygaas waxaan ka helay Islaamka marar badan.”
Wuxuu islaamay 1981, wuxuuna isku magcaabay “Faruuq cabdul-xaq” asagoo raacaya magaca Cumar Al-Faaruuq RC, oo ahaa imaamkii caddaaladda.
Waxaa sidoo kale jirta qisadan caanka ah, ee dhax martay isaga iyo wadaad yahuudi ahaa mar uu ka warramayay ayuu yiri:
“Waxaan ku jirnay dood sharci, waxaana nala joogay macallin Yuhuudi ah, kadibna wuxuu bilaabay inuu uga hadlo Islaamka si liidnimo ah.
waxaan weydiiyey:
‘Ma taqaan inta ay le’eg tahay qawaaniinta dhaxalka ee dastuurka Maraykanka?’
Wuxuu yiri: ‘Haa, waa ku dhawaad sideed buug.’
Waxaan ku idhi: ‘Haddii aan kuu keeno qaanuun dhaxal ah oo aan ka badnayn toban sadar… ma rumaysan doontaa in Islaamku yahay diin sax ah?’
Wuxuu yiri: ‘Taasi ma suurtageli karto.’
Markaasaan u keenay aayadaha Qur’aanka ee dhaxalka.
Wax yar kadib ayuu ii yimid oo wuxuu yiri:
‘Ma suurtageli karto in maskax bini’aadam ahi ay tirakoobto dhammaan xiriirrada qaraabada si kaamila oo ciddana aan la illaawin, ka dibna dhaxalka si cadaalad ah loogu qaybiyo iyadoo aan cidna dulmin, Kadibna ninkii Yuhuudiga ahaa waa muslimey!
Dr. Robert Crane (Faruuq) weli wuu nool yahay, da’diisuna waa 91 sano.
Akhriska qisadani waxay kuu caddeyneysaa in Islaamku yahay sharciga loogu talagalay in aadamaha lagu dhaqo.

