Diyaaraddii Itoobiya

 

Xog cusub oo ka soo korortay diyaaraddii Itoobiya ee ay ku dhiman jireen dad ay Soomaali ka mid tahay


Maamule hore oo ka tirsanaa shirkadda diyaaradaha ee Boeing ayaa waxa uu sheegay in shirkadduu ay qarisay xogta cillad ay lehayd diyaaraddii 737 MAX ee Ethiopian Airlines ee bur buri jirtay, waxa uuna tilmaamay maamuluhu in diyaaraddu lahayd cillad dhinaca dabka ah.

Ninkaan oo horay u maamuli jiray xafiiska shirkadda ee Washington, ayaa haatanhugaamiya koox la yiraahdo Hay’adda Badbaadada Duulimaadka, ayaa waxa uu sheegay in shirkaddu ay ogayd in diyaaraddii lix sano ka hor burburi jirtay ee ay ku dhinteen 157 qof ee ay Soomaalidu ku jirtay in ay lahayd cillad dhinac dabka ama korontada ah.

Waxa uu intaas ku daray in diyaaradu ay konotoroolka lumin kartay mar walba oo ay ku duulayso jog hoose, sidoo kalama cillado badan ay lahayd.

Hay’adda uu ninkaan hugaaminayo ayaa waxay sheegtay in in ka badan 1,000 diyaaradood oo ay nuuca Boeing ah oo haatan hawada ku jira ama la adeegsado aya halis ugu jiraan in ay wajahaan cillad dhinaca dabka ah oo ay sabab u tahay qaabka ay shirkaddu markii horeba u sameysay diyaaradda.

Waxa uu sheegay in diyaaraddu markii ay lix daqiiqo uun ka sii maqan tahay garooonka Bole ee Addis Ababa in cilladu ku bilaabatay.


4 Comments

Previous Post Next Post