Cristiano Ronaldo Portuguese footballer Dhakhtar caalami ah oo ku takhasusay
Dhakhtar caalami ah oo ku takhasusay qaliinka qurxinta ayaa dhawaan shaaca ka qaaday in xiddiga caanka ah ee Cristiano Ronaldo uu maray dhowr qaliin oo ah nooca qurxinta (Plastic Surgery) sanadihii lasoo dhaafay. Dhakhtarka ayaa sheegay in Ronaldo uu sameeyay dadaal kasta si uu u ilaaliyo muuqaalkiisa dhalinyaronimo, isagoo isticmaalay farsamooyin casri ah oo lagula dagaalamo gabowga iyo laalaabka wajiga, taas oo ka dhigaysa inuu weli u ekaado mid aad uga da' yar da'diisa dhabta ah.
Arrintan ayaa layaab ku noqotay taageerayaal badan oo horey u aaminsanaa in sirta quruxda iyo dhallinyaronimada Ronaldo ay tahay kaliya jimicsiga joogtada ah iyo nidaamka cunnada ee adag ee uu caanka ku yahay. Hadalkan kasoo yeeray dhakhtarka ayaa dood kulul ka dhaliyay baraha bulshada, iyadoo dadku ay is weydiinayaan in quruxda Ronaldo ay tahay mid dabiici ah (Natural) oo ka dhalatay daryeelkiisa gaarka ah, mise waa mid ay gacan dhakhtar ku lug leedahay sida hadda la sheegayo.
