Mudane Raysalwasaare Xamse Cabdi Barre, Waxa uu noqday Raysalwasaariihii

 Mudane Raysalwasaare Xamse Cabdi Barre, Waxa uu noqday Raysalwasaariihii ugu waqtiga dheeraa tan iyo markii dib loo unkay Jamhuuriyadda Sadexaad.

Sidoo kale bilo yar ayaa uga dhiman in uu noqdo Raysalwasaaraha ugu waqtiga dheer taariikhda Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Ka sakoow Calafka allaah xagiisa ka ahaaday, wuxuu la yimid dhawr sifo oo sabab u noqday in uu sameeyo taariikhdaan naadirka ah.
1- wuxuu muujiyay xil gudasho dhab ah oo adag.
2- wuxuu muujiyay hogaamin sare oo u sahashay in uu ilaaliyo kalsoonida Madaxda Qaranka, Baarlamaanka iyo Dadwaynaha.
3- wuxuu ka adkaaday in ay jidkiisa ka weeciyaan dabaylaha Siyaasadeed ee horay ula tagay rag badan oo xilka uga horeeyay.
4- wuxuu la yimid alle ku xirnaasho iyo isku kalsoonaan shaqsi ah.
5- xukuumaddiisa wuxuu ku hogaamiyay waxqabad balaaran iyo isku duubni sal adag.
6- wuxuu ku adkaystay fulinta Barnaamijkiisii Siyaasadeed ee lagu ansixiyay kuna qotoma aragtida Madaxwaynaha.
7- wuxuu ku sifoobay dhawrsoonaan, deganaan iyo maarayn mug leh.
Waxaa mudan bogaadin Madaxwayne Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo siiyay kalsoonidiisa, iyo hogaanka iyo Xubnaha Baarlamaanka oo iyana ku taageeray xil-gudashadiisa.
Golaha Wasiirada oo muujiyay midnimo iyo xil gudasho bishay hogaanka Raysalwasaare Xamse Cabdi Barre.
Waxaan u rajaynayaa Raysalwasaaruhu in uu sii wadi doono xaqiijinta taariikho kale kuwaas oo galidoona Buugga taariikhda.
Shaqsiyan, sharaf wayn ayay ii tahay in aan xubin ka ahay Xukuumadda Raysalwasaare Xamse ee samaysay taariikhdaan.
Mahad oo dhan alle u sugnaatay.


Post a Comment

Previous Post Next Post