𝐃𝐡𝐢𝐛𝐚𝐚𝐭𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝 𝐄𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐫 𝐮 𝐒𝐞𝐞𝐱𝐚𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚.
Aragtida Diinta Islaamka:
Nabiga (SCW) wuxuu ku taliyay in qofku ku seexdo dhinaca midig. Waxaa jira axaadiis sheegaya in marka qofku seexdo uu u seexdo dhinic isagoo gacant midig Barkanaya, taas oo ah hab hurdada ugu wanaagsan ee Muslimiinta la baray.
Diinta Islaamku Waxa Ay Inoo Sheegtay hurdadu waa qayb ka mid ah cibaadada iyo caafimaadka: qofka Muslimka ah waxaa lagu dhiirrigeliyay inuu u seexdo si nidaamsan, oo hurdada ka dhigo nasasho iyo isku diyaarinta salaadda subax.
Waxaa la sheegay in hurdada dhinaca midig ay ka tarjumayso isu-dhiibid iyo tawakkul, taas oo qofka ku xoojinaysa xusuusta Alle.
Aragti Sayniska Ee Dhinica Hurdada
Dhinaca midig: Culimada Sayniska caafimaadku waxay muujiyay in hurdada dhinaca midig ay yareyso culayska wadnaha, waxayna ka caawisaa dheefshiidka inuu si fiican u shaqeeyo.
Dhinaca bidix: Waxaa loo arkaa in hurdada dhinaca bidix ay mararka qaar faa’iido u leedahay dadka qaba reflux acid (calool gubasho), laakiin hurdada joogtada ah dhinaca bidix waxay kordhisaa culayska wadnaha.
Hurdada dhabarka: Waxay ku habboon tahay dadka aan lahayn xiiq ama Aanu Naqasku Qabanin, balse waxay kordhin kartaa khatarta hurdada oo istaagta (sleep apnea).
Hurdada beerka (caloosha): Culimada Sayniska caafimaadku waxay caddeeyay in hurdada beerka ay keento:
- Cadaadis ku dhaca sambabada iyo wadnaha
- Xanuun dhabarka iyo qoorta ah
- Dhibaatooyin dheefshiid iyo calool xanuun
- Hurdada oo aan raaxo lahayn, taas oo yareysa tayada hurdada
Dhibaatooyinka Caafimaad ee Dadka Beerka u Seexda:
1. Cadaadis wadnaha iyo sambabada: Qofka oo u seexda xabadka wuxuu yareeyaa hawada sambabada galaysa.
2. Xanuun lafaha iyo murqaha: Qofka oo Beerka u seexda waxay dhaawacdaa laf dhabarta iyo qoorta, waxayna keentaa murqo xanuun.
3. Dheefshiid xumo: Cadaadiska caloosha wuxuu sababi karaa reflux acid iyo calool xanuun.
4. Hurdada oo aan tayo lahayn: Dadka beerka u seexda badanaa waxay la soo toosaan daal iyo xanuun jidhka ah.
Nuxurka Qoraalka
Habka hurdada ee ugu fiican waa dhinaca midig, sida uu Islaamku ina faray iyo sida saynisku caddeeyayba. Beer u seexashadu waa habka hurdada ugu khatarta badan, waxayna keentaa dhibaatooyin caafimaad oo joogto ah. Qofka Muslimka ah hurdadiisu waa inay noqotaa mid caafimaad leh oo waafaqsan sunnada Nabiga (SCW), taas oo isku daraysa cibaado iyo caafimaad.
