Afhayeenka Aqalka wakiillada Mareykanka , Mike Johnson oo ay wajigiisa murugo badan ka muuqato ayaa sheegay inuu si weyn uga niyad jabay in Aqalka Senate-ku ansixiyay sharciga ku saabsan faylasha Epstein iyadoo wax isbeddel ah aan lagu samayn.
Fiiro gaar ah;
Faylasha Epstein, waxaa loo arkaa kuwa ugu wasakhda badan adduunka, waa kiis isagoo dhan ku saabsan xad-gudub ay dadka ugu caansan inta badan dunidda oo xataa Trump iyo madax Carab ah kula kacayaan haween iyo carruur. Kiiskan sidoo kale muddo dheer ayaa laga hortagayay in bannaanka loo soo saaro, balse hadda sharci dejiyaasha Mareykanka ayaa ku qasbaya wasaaradda caddaaladda Mareykanka inay daah qaado kiiskan.
