Kyle Macaulay ayay Manchester United u magacaabay Madaxa cusub ee indha indheynta isagoo la shaqeyn doonaa Christopher Vivell iyo Jason Wilcox. [@David_Ornstein]
INEOS ayaa isku dayaysa inay dhisto hab xog iyo falanqayn ku-saleysan marka laga hadlayo indha indheynta iyo saxiixyada labadaba.
Kyle Macaulay wuxuu leeyahay khibrad badan oo dhanka Premier League ah isagoo doorar dhawr ah kasoo qeybtey kooxo dhawr ah.
Waana shaqsi si fiican loogu yaqaan aqoonsashada da'yarta hibada leh ee kasoo baxaya horyaalka hoose.
