Xiisadda dagaal ee u dhexaysa dowladda federalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland ayaa sii kordhaysa xilli labada dhinac isku diyaarinayaan dagaal aan la saadaalin karin natiijada ka dhalan karta.
Jubbaland dhankeeda waxa ay heeggan buuxa gelisey ciidankeeda ku sugan deegaamo hoosyimaada Raas-gambooni, Kismaayo iyo degmooyin katirsan gobolka Gedo oo Luuq kamid tahay, iyadoo sheegtay inay la dagaalamayso malayshiyo beeleedyo laga soo abaabuley magaalada Muqdisho.
Wararka ay helayso GO ayaa sheegaya in Jubbaland ay ciidamo xooggan ku diyaarsatay deegaamo katirsan xuduudka Kenya iyo Somalia si ay qayb uga noqdaan xiisadaha soo kordhay, inkastoo ay Kenya weli ka aamusan tahay xaaladda gobolka.