DEG DEG: Senator Ilyaas Badal Gaboose oo isku dhiibay Ciidanka amaanka ee Jubaland
Ilyaas Badal Gaboose ayaa isku dhiibay Taliska Nabad Sugidda ee Maamulka Jubaland kadib markii sida la sheegay uu ka laabtay go’aankiisa ahaa in uu yahay Madaxweynaha cusub ee Maamulka Jubaland.
Xogo ay heshay Idaacadda Shabelle ayaa sheegaya in Xildhibaan Gaboose uu diyaar u yahay in uu la shaqeeyo Madaxweyne Axmed Madoobe si rabshado ka bilowda Magaalada Kismaayo. Xildhibaanka ayaa sidoo kale la filayaa in uu warbaahinta la hadlo.