Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale)

 Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa soo xiray Madasha Wadahadalka Siyaasadda ee Doonista Maqaamka Caasimadda iyo Matalaada Gobolka Banaadir iyo Doorka Muwaadinka ee Doorasho toos ah oo muddo labo maalmood ka socday Magaalada Muqdisho.

Madashaan oo ay kasoo qeybgaleen Guddiga Kumeel gaarka ah ee labada Aqal Baarlamaanka JFS u xilsaaran diyaarinta xeerarka doorashooyinka, Ururada, Xisbiyadda, iyo Sharciga dhismaha guddiga doorashooyinka iyo soohdimaha dalka oo uu hogaaminaayay Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed ayaa waxa ay dhageysteen talooyinka iyo fikradaha qeybaha kala gedisan ee Bulshada Gobolka Banaadir.
Xildhibaanada, Odayaasha dhaqanka, Bulshada Rayidka, Culumada, Aqoonyahanka, Haweenka, Dhalinyarada iyo Dadka baahiyaha gaarka qaba ee ka hadlay madasha ayaa taageeray hanaanka uu dalka ujiheystay ee doorasho qof iyo cod ah, iyagoona dhinaca kale hoosta ka xariiqay in la xaqiijiyo Maqaamka Caasimadda iyo Matalaada Gobolka Banaadir.
—𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃—




Post a Comment

Previous Post Next Post